Duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Ugaas khaalif ee Baladweyne oo hakad ku yimid

0
35

Baladweyne(Radio Beerlula)- Duulimaadyadii ka soo degi jaray iyo kuwii ka duuli jiray garoonka diyaaradaha Ugaas khaalif ee magaalada Baladweyne ayaa hakad ku yimid kadib markii xalay roob mahiigaan ah uu ka da’ay magaalada iyo deegannada ku teedsan.

Xubno ka tirsan howlwadeennada  garoonka diyaaradaha Ugaas khaalif ayaa radio Beerlula u sheegay in gabi ahaanba uu hakad ku yimid adeegyadii garoonka maadaam qeybta raanweyga ee diyaaradaha ku ordan ay biyo dhax fadhisteen kuwaasoo ka soo rogmaday buuraha ku teedsan garoonka.

Sidoo kale qaar ka mid ah shirkaddaha duulimaadka magaalada Baladweyne ayaa sheegay in maanta iyo maalmaha soo socda laga yaabo in aysan garoonka ka degin diyaaradaha rakaabka qaada, marka laga raabo kuwa qumaatiga u kaca ee Helicopters oo ay isticmaalaan inta badan  ciidamada nabad-ilaalinta iyo mas’uuliyiinta dowladda.

Roobabka ka da’a magaalada Baladweyne ayaa sameyn  weyn ku yeesha garoonka diyaaradaha Ugaas khaalif iyadoo ilaa hadda aysan jirin cid ku howlan dib u dayactir lagu sameeyo garoonka marka laga soot ago balan qaad.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo sannadkii 2018-kii  tagay magaalada Baladweyne  kadib markii webiga shabeelle uu ku fatahay magaalada ayaa sheegay in dib u dayactir lagu sameyn doono garoonka diyaaradaha ilaa haddana ma fulin balan qaadkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here