Hordhac: Southampton vs Chelsea

0
20

Baladweyne(Radio Beerlula)- Southampton ayaa soo dhaweyneysa kooxda Chelsea ee tababare Frank Lampard kuwaasoo doonaya inay dib u soo galaan afarta kaalimood ee ugu sareeya.

Kooxda Blues ayaa haatan ku jirta kaalinta 9aad iyagoo leh 11 dhibcood waxa ay seddex dhibcood ka danbeeyaan kooxda kaalinta afaraad ee Crystal Palace, kuwaasoo farqigooda goolasha uu yahay eber.

Blues ayaa habeenkii Arbacada gaartay guusheedii seddexaad ee isku xigta iyagoo 2-1 ku garaacday kooxda Lille ee tartanka Champions League, waxayna rajeynayaan inay gaaraan maanta guushii 4aad ee isku xigta.

Tan iyo markii 4-0 looga soo badiyay kulankii Old Trafford ee furitaanka xilli ciyaareedka, Chelsea ayaa badisay dhamaan kulamadii ay martida ahaayeen iyagoo ku sii jeeda garoonka St Mary’s iyadoo Southampton ay hal kulan ku badisay gurigeeda xilli ciyaareedkan.

  • Southampton vs Chelsea.

  • Premier League 2019/20.

  • Goobta: St Mary’s.

  • Taariikhda: Axad, 6da October, 2019.

  • Waqtiga: 4pm Saacada Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here