Liverpool oo sideed dhibcood ku qabatay hogaanka Premier League

0
17

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ee Manchester City ayaa guuldarro lama filaan ah ay ku soo gaartay garoonkeeda Etihad Stadium iyadoo guuldarro 2-0 ay ka soo gaartay kooxda Wolves.

Labo gool uu shantii daqiiqo ee ugu danbeysay ciyaarta ka dhaliyay Adama Traore ayaa guuldarro culus dhabarka u saarisay kooxda tababare Pep Guradiola oo guuldaradii labaad ee xilli ciyaareedka Premier League ay soo gaartay.

Natiijadaan ayaaa waxa ay la micno tahay in Liverpool ay sideed dhibcood oo nadiif ah ay ku qabatay hogaanka horyaalka Premier League ka hor inta aan la aadin kulamada heerka caalami.

Kooxda Jurgen Klopp oo shalay oo Sabti aheyd 2-1 kaga badisay Leicester City ayaa leh 24 dhibcood madaama ay wada badiyeen dhamaan sideedii kulan ee ay ciyaareen xilli ciyaareedkan horyaalka.

Waxaana ay sideed dhibcood ka sareeyaan kooxda Pep Guardiola ee Manchester City oo ku jirta kaalinta labaad kuwaasoo leh 16 dhibcood, waxaana farqigaan uu wax weyn u dhimi karaa hamigooda horyaalka inkastoo xilli ciyaareedka uu weli bilow yahay.

Waa markii ugu horeysay ee Manchester City gurigeeda looga badiyo kulan Premier League ah iyadoo aan shabaqa soo taabanin tan iyo bishii March 2016 markaasoo ay guuldarro 1-0 ka soo gaartay Manchester United.

Kulanka xiga ee Manchester City ee horyaalka waxa ay 19ka bishaan October u safrayaan kooxda reer London ee Crystal Palace.

Kooxda hogaanka heysa ee Liverpool waxa ay u safri doontaa garoonka Old Trafford 20ka bishaan October iyagoo marti u noqonaya kooxda Manchester United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here