Real Madrid oo war rasmi ah ka soo saartay dhaawaca Toni Kroos

0
19

Baladweyne(Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa war rasmi ah ka soo saartay waqti yar kahor dhaawaca xiddigeeda khadka dhexe reer Germany ee Toni Kroos.

Real Madrid ayaa ku daabacday website-keeda rasmiga ah iyo dhamaan boggageeda ay ku leedahay baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter faahfaahin ku saabsan dhaawaca Toni Kroos.

Toni Kroos ayaa dhaawacmay qeybtii hore ee kulankii ay shalay Real Madrid la ciyaareen Granada, iyadoo 30-kii daqiiqo ugu horeeysay ciyaarta lagu badalay saaxiibkiis reer Croatia ee Luka Modric.

Warbixin ay soo saartay kooxda Real Madrid ayaa lagu sheegay in kaddib markii uu Toni Kroos maray tijaabooyin caafimaad lagu ogaaday inuu dhaawac ka soo gaaray lugta bidix isla markaana uu u baahnaan doono howlgalo uu ku soo kabanayo, si loo qiimeeyo xaaladdiisa jir ahaaneed maalmaha soo socda.

Toni Kroos ayaa laga saaray liiska xiddigaha xulka qaranka Jarmalka ee wajahaya Argentina iyo Estonia inta lagu gudi jiro kulmada caalamiga ah ee la ciyaarayo bishan October.

Dhinaca kale wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday suurtogalnimada uu Toni Kroos ku seegi karo kulanka xiisaha badan la wada sugayo ee El Clásico, kaasoo ku dhax mari doono kooxaha Barcelona iyo Real Madrid garoonka Camp Nou 26-ka bishan Oktoobar, sababa la xirira dhaawaca shalay ka soo gaaray kulankii Granada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here