Sucuudiga oo dowlado kale u adeegsanaya in ay kala hadlaan Iran.

0
25

Baladweyne(Radio Beerlula)- Dowladda Sucuudiga ayaa Dowladaha Pakistan iyo Ciraaq adeegsaneeysa si ay wada hadal aan toos ahayn ula yeelayo Dowladda Iran.

Wargeyska New York Times ayaa baahiyay in dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu Madaxda Ciraaq iyo Pakistaan ka dalbaday in ay la hadlaan hogaanka sare ee Iran si loo dhameeyo xiisadda ka taagan Bariga dhexe.

Dhawaan ayaa Dowladda Iran waxay sheegtay in ay diyaar u tahay in ay la hadasho Sacuudiga si loo soo gabangabeeyo mashaakilka Siyaasadeed iyo amni ee ka taagan gobolka Bariga dhexe.

Maxamed Bin Salmaan oo bishii lasoo dhaafay Ra’iisul Wasaaraha Pakistaan Cimraan Khan kula kulmay Riyaad ayaa weydiistay in uu dhex-dhexaadiyo labadda Dowladood.

Dalabka sucuudiga ayaa yimid kadib markii 14-kii September la weeraray labo Warshadood oo sifeeya Shidaalka Sucuudiga. Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa masuuliyadda weerarka ku eedeyay Iran oo iyaduna beenisay.

Balse ururka Xuutiyiinta oo lala xiriiyo in ay taageerto Iran ayaa sheegtay masuuliyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here