Barakacayasha Baladweyne oo dalbaday ho’ay ay ka galan dhibicda roobka.

0
24

Baladweyne(Radio Beerlula)- Qoysaskan oo ku nool kaamanka webi shabeelle iyo horsed ee magaalada Baladweyne ayaa waxaa xiligan heysata durufo kala duwan oo ay ka mid tahay hoy la’aan, waxana dadkan ay ku dhax nool yihiin guryo ka sameysan kartoono iyo baco aan cilin Karin dhibicda roobka.

Roobabka deyrta ee ka curtay magaalada Baladweyne ayaa sameeyay qoysaskan sida ay radio Beerlula qaar ka mid ah dadkan, waxana ay dalbadeen in la caawiyo.

Isku duwaha gargaarka iyo mareynta masiibooyinka gobolka Hiiraan Xaawo Axmed Maxamed oo la hadashay radio Beerlula ayaa ka dalbatay hay’addaha samafalka inay caawiyaan dadkan.

Warbixintan waxaa noo haya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here