Guddoomiyeyaasha baarlamannada Soomaaliya iyo Jabuuti oo tagay Badhabo.

0
23

Baladweyne(Radio Beerlula)- Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, guddoomiyaha baarlamanka Jabuuti  Maxamed Cali Xaamud oo ay weheliyaan xubno ka tirsan baarlamannada Soomaaliya iyo Jabuuti oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Madaxweynaha dowlad goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen, gudoomiyaha Barlamanka Koonfur Galbeed Cabduqadir Shariif Sheekhuna Maye, wasiiro,  xildhibaano mamulka gobolka Baay, kan degmada Baydhabo iyo boqolaal shacabka reer Baydhabo ayaa ku soo dhoweyey wafdiga garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud Airport ee magalaada Baydhabo.

Safarka wafdigan ay ku tageen magaalada Baydhabo ayaa lagu soo waramaya inay tahay sidii ay ugu kuur geli lahayeen xaaladda dadka reer Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha baarlamanka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud ayaa dalka u soo gaaray inuu ka qeyb galo furitaanka kalfadhiga lixaad ee labada gole ee baarlamanka Soomaaliya kaasoo lagu wado inuu furmo sagaalka bishan Oktobar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here