Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka oo wadahadallada dib u billaabaya

0
22

Baladweyne(Radio Beerlula)- Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay iney dib u billaabayaan wadahadalladi hakadka uu galay oo ku saabsanaa Niyuukilarka, iyada oo lagu wado iney labada hoggaamiye ay ku kulmaan dalka Sweden.

Wadahadalki ugu dambeeyey ee dhex maray Madaxweyne Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada waqooyi Kim wuxuu ku soo dhammaaday isafagarasho la’aan.

Wixi intaa ka dambeeyey labada dalba waxay marar badan sheegayeen iney doonayaan wadahadallada iney dib u billaabaan balse ma jirin tillaabbo loo qaaday wadahadalladaasi.

Wadahadalka labada dhinac ayaa ku soo beegamaya maalma un kaddib marki ay Kuuriyada waqooyi tijaabisay gantaal kuwi hore ka duwan oo ay riddadiisu dheer tahay.

Tijaabadan cusubna waxaa la sheegay iney caddeyn u tahay Kuuriyada Waqooyi inay awood u leedahay iney gantaalla ka riddo meel ka baxsan dhulkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here