Maalqabeen $1 milyan u bixiyay si qaxooti Muslimiin ah magaaladiisa loo dejiyo.

0
22

Baladweyne(Radio Beerlula)- Jim Estill, oo ah ganacsade u dhashay dalka Canada ayaa markii uu telefishinka ka arkay dhibaatada colaadda ka taagan dalka Suriya wuxuu go’aansaday inuu gacan ka geysta caawinta rayidka ka baxsanaya dagaalada sokeeye ee dalkooda halakeeyay.

Waa nin ganacsiga guul badan ka gaaray, waxaana ka go’anayd in qaxootiga Suuirya uu u suurageliya inay dib u dejin ku tagaan dalkiisa Canada, maxaa yeelay buu yiri , ” waxay ahayd arrin mudnaan leh”.

“Waan daawanayay waxa ka socdo Suuriya, waxaa ii muuqatay in dowladaha galbeedka aysan si dhakhse leh wax uga qabanayn. Dib u dhac badan ayaa jiray,” ayuu yiri 62 sano jirkan.

Jim ayaa markii uu daawaday dhibaatooyinka ay wajahayaan shacabka Suuriyaan ka ah, waxaa uu go’aansaday in si shakhsiyan uu wax uga qabto arrinta.

Lacag dhan 1.1 milyan oo doolar oo uu isaga shakhsiyan lahaa ayuu Jim u adeegsaday sidii qaxooti reer Suuriya ah uu uga soo kaxeyn lahaa bariga dhexe, oo uu u keeni lahaa Magaalada Guelph ee dalka Canada.

Jim Estill ayaa 50 qoys oo reer Suuriya ah ka soo ka xeeyay dalka Suuriya, kuwaas oo uu keenay Magaalada Guelph, waxaana qaar badan oo kamid ah uu dejiyay isla gurigiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here