Olole nadaafadeed oo laga sameeyay magaalada dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

0
24

Baladweyne(Radio Beerlula)- Maamulka degmada dhuuso mareeb iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa bilaabay olole nadaafadeed oo lagu nadiifinayo magaalada maadaama lagu guda jiro xili roobadka deyrta.

Ololahaan nadaafadeed ayaa waxa ku baaqay maamulka degmada si looga hortago cuduro nadaafad daro ka dhasha xili roobaadka waxaana bulshada dhuusa mareeb oo ka jawaabaya baaqa maamulka  ay bilaabeen nadiifinta magaalada.

Gudoomiyaha maamulka degmada dhuusa mareeb macalin nuur cilmi cabdulle ayaa faah faahin ka bixiyay ololahaan nadaafadeed waxaana uu sheegay in qashinka laga qaado gudaha magaalada la geyn doono goobo loogu talagalay.

Warbixintan waxaa noo haya Aadan Cabdi Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here