Ramos oo Rikoodh muhiim ah ka soo barbareeyay mid ka mid ah halyeeyada Real Madrid

0
24

Baladweyne(Radio Beerlula)- Real Madrid ayaa guul 4-2 ah garoonkeeda Santiago Bernabéu kaga gaartay Granada sabtidii, kulankoodii 8-aad horyaalka La Liga ee dalka Spain xilli ciyaareedkan.

Guushan ay ka gaartay Real Madrid kooxda Granada ayaa waxay ka caawisay inay fadhido hogaanka horyaalka La Liga, kaddib 8-dii kulan ee la soo ciyaaray.

Haddaba kulankii la soo dhaafay ay ciyaartay Real Madrid ayaa waxaa lagu dhex arkay kabtanka kooxda ee Sergio Ramos, kaasoo ahaa kulankiisii 427-aad uu maaliyada Los Blancos kaga soo muuqday horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Ramos ayaa wuxuu rikoorkan ka soo barbareeyay halyeeygii hore Real Madrid ee Francisco Gento, taasoo ka dhigtay in kabtanka haatan ee Los Blancos inuu noqdo xiddiga 6-aad ee taariikhda ciyaartoyda kooxda ku ciyaarta garoonka Santiago Bernabéu ugu safashada badan horyaalka La Liga.

Raúl González ayaa hogaaminaya liiska xiddigaha ugu safashada badan kooxda Real Madrid horyaalka La Liga, isagoo ciyaaray 550 kulan, waxaa ku xiga xiddigaha kala ah Hugo Sánchez (523), Iker Casillas (510), Santillana (461), Fernando Hierro (439), Sergio Ramos iyo Francisco Gento (427).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here