Guuldarradii PSG, inuusan iloobi doonin Cristiano Ronaldo & dhowr arrimood uu ka hadlay Lucas Vázquez

0
25

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xiddiga kooxda Real Madrid ee Lucas Vázquez ayaa sheegay in guuldaradii 3-0  aheyd ee kaga soo gaartay Paris St Germain tartanka Champions League ay aheyd waqti aad u adag oo dhib badan.

Paris Saint-Germain ayaa guul ay u qalantay kaga gaartay Real Madrid kulankoodii ugu horeeyay GROUP A ee tartanka Champions League, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0.

Haddaba xiddiga reer Spain ee Lucas Vázquez ayaa wuxuu dib u xasuustay guuldarradii PSG, kaddib wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Mundo Deportivo” wuxuuna yiri:

“Guuldarradii PSG waxay aheyd waqti aad u adag oo dhib badan, isla waqtigaas kooxda waxay aheyd mid aad u fiican”.

“Waxaan xaalad fiican kaga jirnaa horyaalka La Liga waan inaan sii wadnaa arrintaas”.

Intaas kaddib Lucas Vázquez ayaa wuxuu ka hadlay saaxiibkiis horre ee Cristaino Ronaldo wuxuuna yiri:

“Waxa isbeddelay waa inaan heysano ciyaaryahan kale oo xiran maaliyada lambarka 7-aad, Ronaldo wuxuu muhiim u ahaa kooxda laakiin waan ku faraxsanahay ciyaartoyda aan heysano”.

“Waxaan u dagaalameynaa wax walba, mana iloobi doono inaan xilli ciyaareedyo fiican la soo qaatay Cristiano Ronaldo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here