Haween ku nool Baladweyne oo ku dhiiraday inay macalimiin noqdan.

0
16

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xirfada wax barida dadka ama macalinimada oo ay ku yaraayeen haweenka ayaa gabdho  dhalinyaro  ah oo wax bartay  waxa  ay ku dhiiradeen in ay macalimiin ka noqdaan xarumaha wax barashada ee magaalada baladweyne.

Radio beeralula ayaa la kulantay qaar kamida gabdhaha macalimiinta ah ee ka howlgala magalada gaar ahaan schoolka Buundo weyn oo ah school dowli ah oo dadka danyarta ah  wax lagu baro.

Aamino iyo anfac mowliid oo ka mid ah gabdhaha macalimiinta ee wax ka dhiga iskuulka Buundo weyn ee magaalada Baladweyne ayaa radio beeralula u sheegay  in ay diyaar u yihiin in ay aqooontooda ku caawiyaan dadka danyarta ah ee aan awoodin in ay iska bixiyaan lacagaha wax lagu barto.

Sidoo kale radio Beerlula ayay u sheegeen in  gabdhaha macalimiinta ah ay door muhiim ah ka qaadan karaan horumarka waxbarashada.

Warbixintan waxaa noo heysa Xaawo Luul Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here