Nin loo soo xiray xatooyo oo labo askari xabsiga ku dilay.

0
26

Baladweyne(Radio Beerlula)- Nin xabsi ku yaalla dalka Talyaaniga ugu jiray tuhun la xiriira inuu mooto xaday ayaa toogasho ku dilay labo askari, xilli uu damacsanaa inuu baxsado.

Muuqaal lagu shaaciyay warbaahinta ayaa laga arkayaa ninkan oo isagoo hubeysan isku dayaya inuu ka baxsado saldhig ay boolisku leeyihiin oo ku yaalla magaalada Trieste.

Ninkan 29 jirka ah ayaa loo soo xiray eedeyn ku saabsan inuu mooto xaday.

Askarta oo su’aalo weydiinaya ayuu codsaday inuu musqul aado, ka dibna wuxuu qori ka xoogay askarigii loo raaciyay inuu dusha kala socdo inta uu suuliga isticmaalayo.

Waxaa lagu soo warramay inuu labada askari toogtay isagoo u dhow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here