Gabar u dhalatay Koonfur Afrika oo ku guulaysatay tartanka quruxda adduunka

0
34

Baladweyne(Radio Beerlula) Gabar lagu magacaabo Zozibini Tunzi, ayaa ku guulaysatay tartanka quruxda adduunka ee sanadka 2019-ka.kadib markii ay tartan lagashay dumarkale kuwaasi su,aallo la weydiiyay

Ms Tunzi ayaa markii loo soo bandhigay su’aalaha ku jawaabtay in waxa ugu muhiimsan ee gabdhaha looga baahanyahay inay tahay barashada sida hoggaanka loo qabto.

“Waa arrin ay gabdhaha da’da yar aysan helin muddo dheer maxaa yeelay bulshada ayaa ugu tala gashay inaysan baranin. Waxa aan aaminsanahay inay dumarka yihiin kuwa ugu awoodda badan dunida.” Ayey tiri.

Ms Tunzi ayaa marar badan baraha bulshada ka samaysay olole ay ku wacyigelinayso dumarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here