Crystal Palace VS Arsenal – Arteta oo guul kale raadinaya

0
51

Baladweyne(Radio Beerlula)- Arsenal ayaa safar gaaban ku tegaysa garoonka Selhurst Park oo ay iskaga hor iman doonaan Crystal Palace, waxaana uu tababare Mikel Arteta raadin doonaa guul kale oo uu sare ugu soo qaado kaalinta ay kooxdiisu kaga jirto horyaalka Premier League.

Kooxda garoonkeeda joogta ee Crystal Palace oo hal dhibic ka horreysa Arsenal, ayaa iyaduna tegi doonta kaalinta lixaad haddii ay guul ka hesho ciyaartan, waxaana tababaraha khabiirka ah ee Roy Hodgson uu wax walba u samayn doonaa in ugu yaraan aan garoonkiisa lagaga adkaanin.

Arsenal oo u muuqata inay dib u helayso qaab-ciyaareedkeedii wanaagsanaa, waxay ogtahay in kaalinta afraad ay u jirto sagaal dhibcood oo ay Chelsea ka horreyso, in ay soo qabataana ay u baahan tahay in ay guulo xidhiidh ah hesho iyadoo kaashanaysa weeraryahanneeda uu hormoodka u yahay Pierre-Emerick Aubameyang oo hadal-hayn la xidhiidha mustaqbalkiisa ay guux ka kicisay qolka lebbiska kooxda.

Kooxda martida loo yahay ee Crystal Palace oo 21 ciyaarood kasoo heshay 28 dhibcood ayaa waxay iyaguna doonayaan in sannadkan ay fursad u helaan inay kaalmaha sare ku dhamaystaan, haddii ay suurtogal u noqotana ay kaalinta shanaad ku dhamaystaan si ay uga qayb-geli karaan Europa League, waxaana uu tababare Roy Hodgson dareensan yahay inay fursado iska lumiyeen kulamadii ay barbaraha la galeen Watford, Brighton, Southampton iyo Norwich City, kuwaas oo guul ay ka heli lahayd ay kaga sare mari lahayd Chelsea oo afraad fadhida.

Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey, Crytal Palace umay wanaagsanayn, waxaanay heshay kaliya hal guul oo ay u raaceen afar barbarro ah iyo hal guul-darro, taas oo ka dhigan lixdaas ciyaarood ka heshay toddoba dhibcood, waxaana ay isku dhow yihiin Arsenal oo lixdii ciyaaarood ee ugu dambeeyey ka heshaay siddeed dhibcood oo ku yimid laba guulood, laba barbarro ah iyo laba laga badiyey.

Xogta Kulanka

Ciyaarta: Crystal Palace vs Arsenal

Tartanka: Premier League, usbuuca 22aad

Waqtiga: 3:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Selhurst Park

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here