Hordhac: Tottenham vs Liverpool

0
41

Baladweyne(Radio Beerlula)- Liverpool waxay samayn doontaa taariikhdii ugu fiicnayd 131 sannadood oo ay dhisnayd haddii ay guul ka keento kulanka Tottenham, laakiin tababare Jose Mourinho oo hoggaaminaya Spurs lana kulmayey dhibaatooyin ciyaarihiisii ugu dambeeyey ayaa kala hor iman doona taariko uu kaga hor joogsan karo taariikhda ay Reds samayn karayso.

Kooxda tababare Jose Mourinho oo aan mar kaliya xili ciyaareedkan laga badinin horyaalka Premier League, soona guuleysatay 20 mar iyo hal barbarro ah, sidoo kalena 29 kulan oo horyaalka ah oo soo taxnaa illaa qaybtii dambe ee xili ciyaareedkii hore soo badisay 28 guulood, ayaa ku riyoonaysa in kulankii 37aad oo xidhiidh ah ee aan laga badinin ay kusoo diiwaangashato garoonka cusub ee Tottenham Hotspur Stadium.

Tababare Jose Mourinho oo bilowgii hore guulo kula bilowday Tottenham ayaa waxa qaabilayaa Kooxda tababare Jurgen Klopp, iyadoo ay ka dhaawacan yihiin dhaliyaha Harry Kane iyo tiirka khadka dhexe ee Moussa Sissoko, taas oo ay u dheer tahay walaaca daafaciisa oo 12-kii ciyaarood ee ugu dambeeyey hal kulan oo kaliya shabaqooda nadiif ka dhigay.

Ka hor inta aanay ciyaartani bilaabmin, waxa hadal haynta ugu badan ay ahaan doontaa rikoodhka kulmadii hore usoo dhexmaray oo ay kusoo gacan sarraysay Liverpool oo ay ku jiraan kuwa khaaska u ah labada tababare ee Jor Mourinho iyo Jurgen Klopp

Xogta Kulanka.

Ciyaarta: Tottenham vs Liverpool.

Kulanka: Premier League, usbuuca 22aad.

Waqtiga: 8:30pm – Saacadda Geeska Afrika.

Garoonka: Tottenham Hotspur Stadium.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here