Tartan kubadda cagta oo laga daah furay Baladweyne

0
138

Baladweyne(Radio Beerlula)-Tartankan oo loogu talo galay  is dhaxgalka bulshada waxaa  ka qeybgalaya afar kooxood oo kamid ah kooxaha ka dhisan magaalada Baladweyne waxaana  tartankan loo qabtay dhalinyarada cuslaatay.

Kooxaha  heegan iyo hanti wadaag  ee xaafadda howlwadaag ayaa lagu daah furay tartankan iyadoo labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar xiiso badan.

Kooxda Heegan ayaa 5-4 kaga badisay kooxda Hanti wadaag.

Gudoomiyaha ku xigeenka xiriirka kubada cagta Hirshabelle Cabduqaadir Maxamuud Ibraahim  ayaa radio Beerlula uga warmay hadafka tartankan.

Kabtanka kooxda Heegan Cabdi Maxamed Diriye iyo kabtanka Hanti wadaag  ibraahim Cabdi Maxamed oo la hadlay radio Beerlula ayaa u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geysaneysa tartankan.

Ciyaaraha kubadda cagta ayaa loo arka inay yihiin kuwa door muhiim ah ka qaata is dhaxgalka bulshada iyo yareynta tahriibka iyo qabyalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here