Horudhac: Aston Villa vs Manchester City

0
47
Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa guul u baahan si ay u soo degto kaalinta labaad ee kala horreynta horyaalka Premier League,
marka ay u safrayaan galabta oo Axad ah naadiga Aston Villa.

Tababare Pep Guardiola ayaa haatan fadhisa kaalinta saddexaad ee kala
sarreynta horyaalka, iyagoo 17-dhibcood ka dambeysa hoggaamiyeyaasha
horyaalka ee Liverpool, halka Villa ay fadhiso kaalinta 17-aad, iyadoo
hal dhibic oo kaliya ka sarreysa booska loogu laabto heerka labaad.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League.

Taariikhda: Axad, 12 Jan 2020.

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 07:30 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Jonathan Moss (England).

Garoonka: Villa Park.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here