Kooxaha Mogadishu City Club iyo Elman oo barbaro ku kala baxay

0
48
Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxaha Mogadishu City Club iyo Elman ayaa galabta kulan xiiso badan kuwada ciyaaray garoonka Eng Yariisow ee Ex Koonis, ciyaar qeyb ka ah
horyaalka Somali Premier League.

Qeybtii koowaad kulanka ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineyso
kooxda Elman Sports Club waxaana u dhaliyay ciyaaryahankeeda lagu
magacaabo Jaamal, sidaas ayaa lagu kala maray dheesha.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii dambe ee ciyaarta wiilasha
M.C.C ayaa dardar xooggan ku soo galay garoonka, iyagoo rabay inay
iska soo gudaan goolka madiga ahaa ee ku maqanaa, taas oo sababtay
inay helaan goolkii barbaraha ciyaarta, waxaana u dhaliyay ciyaaryahan
Feysal Hazard goolkaas oo ahaa mid rigoore ku yimid.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro 1-1, taasoo labada
kooxod ay dhibcaha ku kala qaateen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here