Xiddiga ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryahanka ugu fiican Belgiun oo lagu dhawaaqay

0
44

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday xiddiga ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryahanka ugu fiican wadanka Belgian-ka ee ah ciyaartoyda ka ciyaarta banaanka.

Xiddiga kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Eden Hazard ayaa loo caleemo saaray laacibka ugu fiican ee reer Belgian ah ee ka ciyaara horyaalada kale ee ajnaanibta ah.

Eden Hazard ayaa wuxuu abaal-marintan ku garaacay laacibka kooxda Manchester City ee Kevin De Bruyne iyo weeraryahanka naadiga Inter Milan ee Romelu Lukaku.

Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in abaal-marintan uu bixiyo wargeyska HLN ee dalka Belgian uu kaalinta koowaad ka galay Eden Hazard, kaddib markii uu helay 458 cod, halka De Bruyne uu helay 348 cod, Romelu Lukaku oo kaalinta saddexaad galay ayaa wuxuu isna helay 248 cod.

Kaalinta afaraad abaal-marinta wargayskan reer Belguin waxaa ku soo baxay Youri Tielemans oo helay 78 cod, halka hoggaamiyihii hore kooxda Manchester City ee Vincent Kompany uu isna helay 58 cod.

Waxaa ku xiga ciyaaryahanka kooxda Napoli ee Dries Mertens, oo helay 52 cod, kaasoo hal dhibic ka sareeya kan kooxda Liverpool Divock Origi oo ku jira kaalinta 9-aad wuxuuna helay 49 cod.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here