Newcastle United oo guul xilli dambe ah ka gaartay kooxda Chelsea oo marti ugu aheyd garoonka St James’ Park

0
58

Baladweyne(Radio Beerlula)- Newcastle United ayaa guul xilli dambe ah ka gaartay kooxda Chelsea oo marti ugu aheyd garoonka St James’ Park, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 22-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Laakiin daqiiqadii 90-aad kooxda martida loo ahaa ee Newcastle United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay xiddiga lagu magacaabo Isaac Hayden, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Allan Saint-Maximin.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo gabagaboowday 1-0 ah ay kaga adkaatay Newcastle United kooxda Chelsea oo marti ugu aheyd garoonka St James’ Park.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here