Zinedine Zidane oo xaqiijiyay bixitaanka mid ka mid ah xiddigaha kooxda Real Madrid

0
42

Baladweyne(Radio Beerlula)- Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa xaqiijiyay bixitaanka mid ka mid ah xiddigaha Los Blancos inta lagu gudi jiro suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee bishan Janaayo.

Zinedine Zidane ayaa si cad u sheegay in Alvaro Odriozola uu ka tagayo garoonka Santiago Bernabéu inta lagu gudi jiro bishan Janaayo, laakiin wuxuu iska diiday inuu xiiseynaayo lasoo wareegitaanka ciyaaryahan cusub oo badelkiisa ah.

Alvaro Odriozola ayaan tababarka la qaadanin asxaabtiisa kale ee Real Madrid maanta oo Talaado ah, madaama uu isku diyaarinayay inuu ugu dhaqaaqo kooxda Bayern Munich heshiis amaah oo mudo Lix bilood ah, sida laga soo xigtay ilo wareedyo gudaha wadanka Spain ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here