Donald Trump iyo R/w Pakistan oo kulan gaar ah wada qaatay

0
102

Baladweyne(Radio Beerlula)- Waxaa kulan gaar ah ku wada yeeshay dalka Swezerland madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo raysal wasaaraha dalka Pakistan Imran Khan.

Kulankoodan gaar ah ayaa waxa ay uga arrinsanayeen labada masuul xaalada guud ee gobolka, gaar ahaa khilaafka mudada dheer socday ee u dhexeeya Pakistan iyo Hindiya, sidii lo dardargelin lahaa xal u raadinta dagaalkaasi.

Sidoo kale waxa ay iskala soo qaadeen xaalada wada hadalada Washington iyo Taalibaan ee mudada soo taagnaa, waxaana ay tani kusoo beegmaysaa, iyadoo dawlada Pakistan ay horay u balanqaaday inay kaalin ka gaysan doonto joojinta dhiigga faraha badan ee ku daatay dalka Afghanistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here