Horudhac: Wolves vs Liverpool

0
46

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda hoggaanka u haysa horyaalka Premier League ee Liverpool ayaa booqanaysa garoonka Molineux si ay halkaasi ugula soo ciyaarto caawa Naadiga Wolverhampton Wanderers.

Reds ayaa doonaysa inay caawa guul ka soo gaarto Wolves, isla markaana Tababare Klopp iyo wiilashiisu ay sii wataan bandhiggooda quruxda badan oo ay bartanka kaga jiraan.

Kooxda uu hoggaamiye Tababare Jurgen Klopp ayaa guuleysatay 21 kulan, isla markaana aan wax guuldarro ah la kulmin 22 kulan oo ay Premier League ciyaartay xilli ciyaareedkan, waxaana ay horyaalka ku horkacayaan haatan 16-dhibcood.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Khamiis, 23 Jan 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Michael Oliver (England)

Garoonka: Molineux Stadium

Wararka Kooxaha:-

Tababaraha Kooxda Wolves ee Nuno Espirito Santo ayaan markale heli doonin adeegga Ruben Vinagre, kaasoo la maqnaan doona kulankan dhaawac muruqa ah.

Diogo Jota iyo Willy Boly ayaa labaduba ku lug yeelan karaan kulankan, kaddib dhaawacyo ay qabeen lugta iyo canqowga.

Daafaca Kooxda Liverpool ee Dejan Lovren ayaa dib ugu soo laabtay todobaadkan tababarka buuxa, isagoo ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyey ciyaartii ay ka horjeedeen Red Bull Salzburg 10 bishii December.

Si kastaba ha noqotee, saddexda ciyaaryahankan ee kooxda Reds, Naby Keita, James Milner iyo Xherdan Shaqiri ayaa dhammaantood sii joogteyn doona maqnaanshahooda.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Wolves ayaa guuldarro la kulantay mid kasta oo ka mid ah lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey Premier League oo ay la ciyaareen Liverpool, waxaana ay dhaliyeen kaliya hal gool waqtigaas, tan iyo 1-0 ay guusha kaga soo heleen Liverpool garoonka Anfield bishii December sanadkii 2010-kii.

>- Liverpool ayaan khasaaro la kulmin iyadoo marti u ah Wolves ama booqatay kulan horyaalka ah tan iyo bishii Agoosto sanadkii 1981-kii, waxa ay guuleysteen saddex kulan, halka ay barbaro galeen saddex kale lixdoodii kulan ee ay kooxda Reds booqatay garoonka Molineux tan iyo waqtigaas, iyagoo xitaa shabaqooda gool ka ilaashaday mid kasta oo ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay halkaas booqdeen.

>- Kani waxa uu noqon doonaa kulankii ugu horreeyey oo ay kooxda Wolves abid ciyaarto kulan horyaalka Premier League, taasoo la micno ah in Liverpool ay guuleystay kaliya 25% kulamadeedii Premier League oo ay maalintaan oo kale ciyaartay (2/8), waana heerkoodii ugu hooseeyey cel-celis ahaan guulaha ay ka haysato kulammada ay maalintaan ciyaartay taariikhda tartankan.

>- Wolves ayaa guuldarro la’aan ah (unbeaten) todobadeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku ciyaartay Premier League ee la dheelay xilli habeen ah, isla markaana la baastay 7:00 fiidnimo ama wixii ka dambeeya, waxa ay guuleysteen shan kulan, iyagoo barbaro galay labo kulan oo kale, tan iyo khasaaradii ay kala kulmeen Crystal Palace bishii Janaayo ee la soo dhaafay.

>- Liverpool ayaa guuleysatay mid kasta oo ka mid ah siddeedeedii kulan ee ugu dambeeyey Premier League ee la dheelay xilli habeen ah, isla markaana la baastay 7:00 fiidnimo ama wixii ka dambeeya, waxaana ay kulamadaas dhaliyeen 31 gool iyadoo kaliya laga dhaliyey lix gool.

>- Haddii kulankan aan laga jabin unbeaten-keeda, Liverpool waxa ay noqon doontaa kooxdii shanaad ee taariikhda horyaalka kubadda cagta Ingiriiska oo aan la garaacin 40 kulan oo horyaalka ah ama wax ka badan, kaddib Nottingham Forest (42 kulan, 1977-78), Arsenal (49 kulan, 2003-04), Chelsea (40 kulan, 2004-05) iyo Huddersfield Town (43 kulan, 2011).

>- Weeraryahanka Liverpool ee Mohamed Salah ayaa gacan ka geystay 88 gool 93 kulan oo horyaalka Premier League uu u ciyaaray Reds, waxa uu u dhaliyey 65 gool, isagoo sameeyey 23 caawin, xiddigan reer Masar ayaana gool dhaliyey, isla markaana mid kale caawiyey kulankii xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ay Liverpool 2-0 uga soo adkaatay Wolves garoonkan caawa lagu dheelayo ee Molineux.

>- Labada ciyaaryahan ee Wolves, Adama Traoré iyo Raúl Jiménez ayaa isku darkooda dhaliyey todobo gool oo horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, Traoré ayaana loo diiwaan geliyey lix caawin xilli ciyaareedkan, waana in saddex ka badan intii uu ka sameeyey Premier League saddexdii xilli ciyaareed ee uu ku qaatay Aston Villa, Middlesbrough iyo Wolves oo uu sameeyey 3 caawin.

>- Liverpool ayaa guuleystay todobadeedii kulan ee ugu dambeeyey Premier League iyadoo aan gool laga dhalin, markii ugu dambeysay oo koox ay guuleysato iyadoo aan wax gool ah laga dhalin siddeed kulan oo xiriir ah waxay ahayd bishii Febraayo sanadkii 2009-kii, markaasoo ay Manchester United adkaatay sagaal kulan oo isku xiga iyadoo aan shabaqeeda la taaban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here