Kooxda Manchester United oo markaan tijaabinaysa dhaliyaha AC Milan ee Krzysztof Piatek

0
48

Baladweyne(Radio Beerlula)- Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa doonaysa inay markaan tijaabiso soo xero-gelinta xiddiga weerarka ee naadiga AC Milan, Krzysztof Piatek.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Naadiga Red Devils lagu naanayso ee ka dhisan Ingiriiska ay indhaha ku hayso dhaliyaha reer Poland ee Piatek.

Wargeyska The Sun ayaa warinaya in Kooxda Manchester United ayaa la xiriirtay Milan si ay ugala xaajooto suurto-galnimada ay kula wareegayso Krzysztof Piatek.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer waxa uu indhaha ku hayay xiddiga heerka caalami ee dalka Poland ka hor dhaawaca Marcus Rashford, isagoo u muuqda inuu keenayo weeraryahan kale ka hor dhammaadka bisha.

Man United ayay u badan tahay inay tartan ku aaddan saxiixa Piatek ay kala kulmayaan kooxaha Tottenham iyo Newcastle, iyadoo weersaryahankan uu dhaliyey afar gool 18 kulan oo uu kooxda AC Milan u saftay xilli ciyaareedkan horyaalka Serie A.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here