Koox dhammaan ciyaartoyda u dheesha ay isku magac yihiin

0
54

Baladweyne(Radio Beerlula)- Tartanka kubadda cagta ee ciyaartoyda da’da yar ee Magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil oo ah tartanka ugu xiisaha badan ee ciyaartoyda da’doodu ka hooseyso 20-ka sano ayaa sanadkan leh xiiso gaar ah.

Tartankan ayaa waxaa ka qeybgeli doona koox cayaartoyda u dheesha ay dhammaan isku magac yihiiin.

11 ciyaartoy ee kooxdan ayaa lagu magacaabaa Riquelme, oo ah magac aad looga yaqaano qaaradda Amerika.

Ciyaartoydan ayaa dhamaantood loogu magac daray Juan Roman Riquelme oo ah ciyaartoy hore oo khadka dhexe uga ciyaari jiray xulka Qaranka ee Argentina.

Inkastoo xulka Argentina gudaha dalka Brazil looga arko mid uu xifaaltan kala dhaxeeyoBrazil ayaa haddana Riquelme waxaa loo arkaa ciyaartoy khibradiisa iyo xirfadiisa dhanka kubadda cagta ay ka bilaabatay Brazil, taasoo dhiiragelin u noqotay waalidiin badan oo caruurtooda ugu magac daray isaga.

Riquelme wuxuu ahaa ciyaartoy aad looga ixtiraamo Koonfurta qaaradda Amerika labaatan sano kahor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here