Liverpool oo 2-1 uga badisay Volves

0
100

Baladweyne(Radio Beerlula)- Liverpool ayaa guul dahabi ah ka soo gaadhay kooxda dhibta badan ee Wolves waxayna Reds sii joogtaysay rekoodhka guuldaro la’aanta ee ay xili ciyaareedkan oo dhan kaga soo jirtay Premier league.

Liverpool ayaa talaabo wayn sare ugu qaaday ku guulaysiga koobka Premier league kadib markii ay ka soo gudubtay imtixaankii adkaa ee Wolves waxaana guushan Reds ku hogaamiyay Jordan Henderson iyo Roberto Firmino oo min hal gool dhaliyay.

Ciyaartan ayaa ku dhamaatay labo iyo hal oo ay ku badisay Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here