Maalinta waxbarashada aduunka oo maanta loo dabal degay iyo hambalyo loo diray bahda waxbarashada gobolka Hiiraan.

0
40

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wakiilka Dalaada waxbarashada FPENS ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cismaan Mocow ayaa radio Beerlula uga waramay ahmiyadda maalinta waxbarashada aduunka oo ku began 24-ka jaanaayo  ay ugu fadhiso bahda waxbarashada, taasoo maanta dunida looga dabal degay.

Maxamed Cismaan Mocow ayaa sheegay in waalidiinta Soomaaliyeed looga baahan yahay inay wax baran gabdhaha si mustaqabalka ay u anfacan.

Dabal dega maalinta waxbarashada aduunka ayaa la bilaabay 24-kii janaayo sannadkii 2019-kii kadib markii qarmada midoobay ay ogolatay maalintan 3-dii bishii December sannadkii 2018-kii.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here