Barcelona oo guuldarro xanuun badan kala kulantay Valencia

0
60

Baladweyne(Radio Beerlula)- Barcelona ayaa guuldarro xanuun badan ay ku soo gaartay garoonka Mestalla Stadium ka dib markii ay 2-0 kaga soo badisay kooxda Valencia oo marti loo ahaa iyadoo tababare Quique Setien uu dhadhamiyay guuldaradiisii ugu horeysay kaliya seddex kulan oo uu kooxda hogaamiyay.

Barca ayaa si weyn u tabtay Luis Suarez oo dhaawac uga maqan madaama ay awood u yeelan waayeen inay ka faa’ideystaan kubad-heysashadooda halka Valencia ay halis aheyd mar walba oo ay weerar qaadaan iyadoo Ter Stegen uu wacdarro u dhigay Barcelona qeybtii hore isagoo rigoore badbaadiyay.

Natiijadaan ayaa la micno ah in Barcelona ay fursad u siiyay Real Madrid inay la wareegto hogaanka La Liga haddii ay badiyaan kulanka ay habeen danbe la ciyaarayaan Real Valladolid madaama ay labada kooxood haatan 43 dhibcood hogaanka ku wada hayaan.

Qeybtii hore ee ciyaarta Barcelona waxaa la siiyay cashar qaali ah oo ku saabsan in kubad-heysashada kaliya aysan aheyn qaabka ugu qurxoon uguna natiijo fiican ee ciyaarista kubada cagta, sababtoo ah inkastoo ay kubada badankeeda heysteen hadana Valencia ayaa neefta ku dhejisay oo weeraro isdaba joog ah oo goolal loo fishay ka heshay.

RIGOORE!: Daqiiqadii 9aad ayay kooxda martida loo ahaa ee Los Che heshay fursad ay hogaanka kula wareegi kareen markii Gerard Pique uu rigoore ku galay daafaca bidix Gaya, iyadoo Pique uu kaliya qaatay kaarka hurdiga.

Gomez ayaa u istaagay rigoorada laakiin waxaa geesi noqday oo rigoorada dhinac isaga bixiyay goolhaye Ter-Stegen oosi qurux badan u badbaadiyay islamarkaana madax furtay Gerard Pique.

View image on Twitter

Marc-Andre Stegen waa markii ugu horeysay oo rigoore badbaadiyo horyaalka La Liga tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda Barcelona.

Daqiiqadii 20aad goolhaye Ter Stegen ayaa mar kale badbaadiyay Pique kaasoo ku sigtay inuu gool iska dhaliyo, laakiin waxaa u booday oo badbaadiyay goolhayaha Jarmalka.

BIRTA! Daqiiqadii 32aad Gomez ayaa birta u garaacay Barcelona ka hor inta uusan Ter Stegen ka badbaadinin Gameiro kubadii ku celiska aheyd. Labo daqiiqo ka dib waxa uu goolhayaha Jarmalka fursad kale ka beeniyay Coquelin.

Barcelona ayaa heshay darbadeedii ugu horeysay ee goolka ku bartilmaameedsan daqiiqadii 38aad inkastoo ay boqolkiiba 80 kubada heysteen, waxayna ku timid laad xor ah oo uu Messi si toos ah ugu aadiyay goolhaye Dominech oo isku duubay.

Qeybtii hore waxaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah iyadoo Barcelona ay natiijadaas uga mahadcelineysay goolhayaheeda Ter Stegen.

GOOL! Seddex daqiiqo markii ay socotay qeybta labaad Valencia ayaa la wareegtay hogaanka ciyaarta oo ay u qalmeen iyagoo ugu danbeyn helay goolkii furitaanka oo uu u saxiixay xiddigii rigoorada qasaariyay Maxi Gomez balse loo qoray inuu iska dhaliyay Jordi Alba.

Karoos la soo qaaday ayaa waxaa madax ku soo bixiyay Pique laakiin waxay kubada lugta u gashay Gomez oo darbo xoogan ku tuuray goolka, waxay kubada sinta uga sii dhacday Jordi Alba ka hor inta aysan shabaqa ku nasasnin.

Jordi Alba waxa uu iska dhaliyay afar gool oo La Liga ah qarnigaan 21aad, waana xiddiga ugu badan ee goolal iska dhaliyay ciyaartoyda Barcelona ee tartanka horyaalka.

VALENCIA BARCELONA

Daqiiqadii 57aad Messi ayaa u muuqday inuu dhalinayo goolkii barbaraha ee Barcelona ka dib kubad uu ka helay Jordi Alba laakiin daaficii hore ee Arsenal Gabriel ayaa meel aan laga filaneynin ka soo baxay islamarkaana fursada ka beeniyay xiddiga reer Argentina.

Barcelona waxay sii wadatay kubad heysashadeeda iyagoo aan wax fursad waa weyn ah abuurin halka Valencia ay kubada si fiican u difaacanayeen iyagoo sugayay fursadood ay ku weerari lahaayeen goolka Blaugrana.

GOOL! Daqiiqadii 77aad ayaya timid wixii ay Barcelona ka baqayeen iyadoo Torres oo ka soo garabka midig uu arkay Gomez oo kaligiis meel cidlo ah taagan garabka bidix ee xerada ganaaxa Barcelona, wuxuuna durbadiiba u dhigay kubada Gomez kaasoo koontaroolay islamarkaana si habsami leh shabaqa u dhex dhigay iyadoo goolhaye Ter Stegen uusan booskiisa ka dhaqaaqin.

View image on Twitter

VAR OO MURAN DHALISAY: Valencia ayaa gool seddexaad dhalisay daqiiqadii 82aad markii koorno ay soo tuurteen uu shabaqa ku laabay daafaca Gabriel laakiin seeriga ayaa yeeray iyadoo la moodayay in loo dhigay kala tuuris lagu sameeyay Busquets, laakiin markii uu garsooraha la hadlay VAR waxaa abuurmay jahwareer iyadoo garsooraha uu amray in koornada lagu soo celiyo taasoo la micno ah in qalad uusan dhicin ee uu ku degdegay seerigiisa.

900 baasas, kubad-heysasho boqolkiiba 74 ka dib Barcelona waxaa looga badiyay 2-0 oo ay guusha ku raacdaty Valencia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here