Dad ku geeriyooday dhulgariir ku dhuftay bariga dalka Turkiga

0
28

Baladweyne(Radio Beerlula)Hay’adda musiibooyinka dalka Turkiga ayaa sheegtay in ugu yaraan 21 qof ay geeriyoodeen halka 1,030 qof oo kalana ay dhawaacmeen, kaddib dhulgariir xoog badan oo ku dhuftay Bariga dalka Turkiga.

Dhul-gariirkan oo cabbirkiisu ahaa 6.8 cabbirka dhulgariirka kaasoo ubucdiisu ahayd magaalada Sefraja ee gobolka Alazic sidoo kalena sababay in ay burburaan dhismayaashii deegaanka iyo barakaca dadkii halkaa ku dhaqnaa.

Awoodda dhul-gariirka oo ahayd mid aad u sarreysa ayaa laga dareemay dalalka la dariska ah Turkiga ee Suuriya, Lubnaan iyo Iiraan.

Dhulgariir kan la mid ah oo sanadkii 1999-kii ka dhacay magaalada Izmiid ee galbeedka Tukiga ayaa galaaftay nolosha 17 qof.

Deegaanka uu ka dhacay dhulgariirka ayaa 550 km dhanka bari kaga beegan caasimada Ankara.

Deegaanka oo ah deegaan ay dadweynuhu ku badanyihiin ayay adagtahay in si dhakhsa ah lagu ogaado khasaaraha rasmiga ah ee uu gaarsiiyay dhul gariirku.

Dowladda ayaa teendhooyin iyo bustayaal gaarsiisay dadkii ay guryohoodu ku burbureen musiibada.

Magaalada Sefraja ee uu dhulgariirku ka dhacay waxaa ku nool dad lagu qiyaasay ku dhawaad 4000 oo qof waana magaalo qurux badan oo dalxiisayaashu ku badanyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here