Cudurka shuban biyoodka oo ka dilaacay Baladweyne

0
97

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ugu yaraan saddex caruur ah ayaa cudurka shuban biyoodka ugu geeriyootay magaalada Baladweyne, halka 46 ruux oo u badan caruurna la dhigay isbitaalka guud ee gobolka Hiiraan.

Dadka uu soo ritay cudurka shuban biyooda ayaa laga keenay xaafaddaha magaalada Baladweyne iyo deegannada ku xeeran.

Dhaqaatiirta isbitaalka ayaa la tacalaya bukaannada uu soo ritay cudurka shuban biyoodka.
Dr Cabdixaliin Cabdulahi Maxamed oo ka mid ah dhaqaatiirta ka howlgala isbitaalka guud ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in cudurkan sababta ugu badan ee keentay ay tahay biyaha webiga shabeelle oo heyn mid nadiif ah islamarkana dadkan ay cabeen.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in hay’addaha samafalka looga baahan yahay inay si dhow ula tacalan cudurkan.

Marka uu biyo yareeyo webiga shabeelle ee dhaxmara magaalada Baladweyne ayaa waxaa inta badan magaalada iyo deegannada hoos yimada ka dilaaca cudurka shuban biyoodka oo galafta nolosha dad iskugu jira waayeel iyo caruur.

Warbixintan waxaa noo haya Xaawo Luul Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here