Man City oo garaacday kooxda Fulham

0
126

Baladweyne(Radio Beerlula)- Manchester City ayaa u soo baxda wareega shanaad ee koobka FA Cup-ka kaddib markii ay guul kaga gaartay kooxda Fulham 4-0, ciyaar ka tirsaneyd kulamada afaraad ee tartankan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Daqiiqadii 8-aad kooxda Manchester City ayaa heshay rigoore ama gool ku laad waxaana gool u badalay Ilkay Guendogan, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-0.

Daqiiqadii 19-aad Manchester City ayaa la timid goolkeeda labaad, waxaana 2-0 ka dhigay Bernardo Silva, waxaana ka caawiyay goolkan saaxiibkiis Phil Foden.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 72-aad Manchester City ayaa sii dheereysatay hoggaanka ciyaata waxaana 3-0 ka dhigay Gabriel Jesus, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Joao Cancelo.

Markale daqiiqadii 75-aad xiddiga reer Brazil ee Gabriel Jesus ayaa ka dhigay dheesha 4-0 ay ku hoggaamineysay kooxda kubadda cagta ee Manchester City.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 4-0 ay kaga adkaatay Manchester City kooxda Fulham oo marti ugu aheyd garoonka Etihad, waxayna Skay Blues sidaas ugu gudubtay wareega shanaad ee tartanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here