Hordhac: Norwich vs Liverpool

0
208

Baladweyne(Radio Beerlula)- Liverpool ayaa sii dheeraysan kara doonta hoggaanka horyaalka Premier League marka ay caawa fiidka booqato naadiga sagxadda hoose fadhiya ee Norwich, waxaana taas ka caawisay kooxda Wolves oo xalay laba dhibcood ka jartay Leicester City oo kaalinta labaad soo cidhiidhsan lahayd.

Kooxda tababare Klopp ayaa tegi doonta garoonka Carrow Road, waxaanay 25 dhibcood ka sare mari doonaan Manchester City oo kaalinta labaad fadhida, iyadoo usii dhowaan doonta hanashada horyaalka oo ay soo afjarayso 30 sannadood oo ay abaari ka haysay, hase yeeshee isla marka ay ciyaarta caawa dhamaato, waxay Liverpool diiraddeeda u jeedin doontaa tartanka Champions League oo ay Arbacada ku ballansan yihiin Atletico Madrid lugta hore ee wareegga 16-ka.

Kooxda martida loo hayay ee Norwich City, ayay sii yaraanaysaa rajada ay ka qabto inay ka badbaaddo inay dib ugu laabato heerka labaad, waxaana ciyaartii ugu dambaysay bahdilaad ku samaysay Southampton oo u dhiibtay 4-0, laakiin dhulka isma dhigi doonaan kulanka caawa, waxaanay isku dayi doonaan in garoonkooda ay ugu yaraan kaga badbaadaan guul-darro maadaama ay la ciyaarayaan koox aan xili ciyaareedkan hal marna laga soo adkaanin.

Liverpool oo 42 ciyaarood oo xidhiidh ah aan laga soo adkaanin, waxay guul kale oo u sii dhoweysa rikoodhkii Arsenal caawa ka raadin doontaa Norwich, waxaanay isla caawaba dhaafi doonaan rikoodh sannadkii 1978-kii ay samaysay kooxda Nottingham Forest oo xilligaas aan laga badinin kulamo taariikhda galay, hase yeeshee haddii ay guushan helaan, kaliya waxa ay hiigsan doonaan rikoodhkii Gunners ee 49 ciyaarood, taas oo ay uga dhiman tahay lix ciyaarood oo kaliya.

Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey, Noriwch iyo Liverpool waxay kusoo kala sugnaayeen marxalado aan isku dhoweyn, naadiga gurigiisa lagu ciyaarayaana waxa uu soo helay hal guul oo kaliya, saddex barbarro ah iyo laba laga badiyey, laakiin Liverpool ayay u ahayd lix kulan oo wada guulo ah oo ay soo heleen 18 dhibcood.

Xogta kulanka.

Ciyaarta: Norwich vs Liverpool.

Tartanka: Premier League, kulamada 26aad.

Waqtiga: 8:30 PM – Saacadda Geeska Afrika.

Garoonka: Carrow Road.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here