Manchester City oo laga ganaaxay ka qeyb galka tartanka Champions League

0
30

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xiriirka Kubbadda Cagta Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay in Manchester City laga mamnuuci doono tartanka Champions League labo xilli ciyaareed ee xiriir ah, sababa la xiriira inay ku xad gudubtay sharciga dhaqaala wanaaga Yurub.

Warkan ka soo baxay Xiriirka Kubbadda Cagta Yurub ee UEFA ayaa lagu sheegay in Manchester City lagu ganaaxay inay ka maqnaato Champions League labo xilli ciyaareed ee isku xigta iyo qiimo lacageed dhan 30 million euro.

Sida laga soo xigtay wargeyska “The Guardian” ee wadanka England ayaa sheegay in ganaaxan lagu soo rogay Manchester City uu sabab u yahay kaddib markii ay ku xad gudubtay sharciga dhaqaala wanaaga Yurub.

Warbixinta ayaa daaha ka qaaday in dhaleeceynta Manchester City ay timid kaddib markii la hubiyay in warbixin been ah ee ku aadan dhaqaalaha kooxdeeda ay u gudbisay Xiriirka Kubbadda Cagta Yurub.

Waxaa xusid mudan in Saraakiisha kooxda Manchester City ay horey u beeniyey warar soo baxaya iyagoo sheegay inay aheyd isku day la doonayay in lagu khaarijiyo sumcadda kooxda.

Warbixinta ayaa waxaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in Manchester City ay xaq u leedahay inay racfaan ka qaadato go’aankan xilliyada soo socda, ka hor Maxkamadda Caalamiga ah ee Ciyaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here