Lionel Messi oo sameeyay rikoor xun oo horyaalka La Liga aan ka dhicin tan iyo 2014-kii

0
60

Baladweyne(Radio Beerlula)- Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee ​​Lionel Messi ayaa ku nool maalinkiisii ​​ugu xumaa dhanka gooldhalinta Blaugrana ee horyaalka La Liga tan iyo sanadkii 2014, xilligaas uu kooxda maamulayay macalinka reer Argaantina ee Tata Martino.

Barcelona ayaa guul dirqi ah ka heshay kooxda Getafe oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, kulan ka tisanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Lionel Messi ayaa xalay ku guuldareystay inuu shabaqa ka soo taabto kooxda Getafe, maadaama ay kaliya ku filnaatay inuu caawiyo goolka koowaad ee uu dhaliyay weeraryahanka reer France ee Antoine Griezmann.

Haddaba sida laga soo xiganayo wargeyska “Marca” ee dalka Spain, kulankan ayaa ahaa kii afaraad ee xiddiga reer Argantina ee Lionel Messi uu ku guuldarreystay inuu goolal dhaliyo.

Waa markii seddexaad oo ay Lionel Messi soo wajahday abaar gooldhalineed ee sidaan oo kale ah horyaalka La Liga ee dalka Spain, kaddib xilli ciyaareedyadii 2013/14 iyo 2007/2008.

Tan iyo goolkiisii ​​ugu dambeeyay kulankii Granada ee isbuucii 20-aad, Lionel Messi wuxuu ku guuldareystay inuu wax gool ah dhaliyo afartii kulan ee ugu dambeysay uu kaga horyimid kooxaha Valencia, Levante, Real Betis iyo ugu dambeyntii Getafe.

Haa… Lionel Messi wuxuu caawiyay lix gool sedexdii kulan ee ugu dambeysay ee horyaalka La Liga, laakiin ma uusan sameynin wixii looga bartay ee ahaa inuu ka dhaliyo goolal badan kooxaha ka soo horjeeda.

Tani waa markii ugu horreysay ee uu Lionel Messi ku guul darreysto inuu wax gool dhaliyo wax kabadan afar kulan tan iyo 2014-kii, kaddib markii uu xilligaas ku guul darreystay inuu wax gool dhaliyo inta lagu jiray 8 kulan oo xiriir ah, marka lagu daro shan kulan uusan u ciyaarin sababa la xiriira dhaawac dartiis.

Laakiin waqtiga ugu badnaa ee Messi uusan wax gool ah dhalinin kulamo isku xiga wuuna ahaa xilli ciyaareedkii 2007/2008, markaasoo uu ku guuldareystay inuu wax gool ah dhaliyo sagaal kulan oo isku xigta oo uu saftay.

Waxaa xusid mudan in kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi uu ka dhaliyay 14 gool ilaa iyo haatan horyaalka La Liga ee dalka Spain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here