Sadio Mane oo tuuladii uu ku dhashay ka caawiyay adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada

0
46

Baladweyne(Radio Beerlula)- Cayaaryahanka kubadda cagta ee Sadio Mane kana soo jeeda dalka Senagal una cayaara kooxda Liverpool ee dalka Ingiriiska ayaa tusaale wanaagsan loogu soo qaataa dadka caanka noqday ee aan iloobin wax u qabashada deegaannadii ay ka soo jeedeen.

Mane oo 27 jir ah ayaa sanadkii 1992-kii ku dhashay tuulo yar oo lagu magacaabo “Sedhiou” oo dhacda koofurta dalka Senigal iyada oo ay xusid mudantahay in cayaaryahankani ka soo jeedo qoys caan ku ah fidinta diinta islaamka iyada oo aabihii uu ahaa wadaad imaam ka ah masaajidka tuulada ay dagganaayeen.

Cayaaryahankan ayaa indhaha warbaahinta soo jiitay kaddib markii uu ka soo dhex muuqday kooxda Liverpool isaga oo sidoo kalena ku guuleystay in uu noqdo cayaaryanka ugu wanaagsan qaaradda Afrika.

Filim uu muuq baahiyaha Canal+ Sports- ka sameeyay laacibkan ayuu uga sheekeeyay qiso xanuun badan oo uu la kulmay carruurnimadiisii taasoo ahayd in aabihii uu u geeriyooday daryeel caafimaad la’aan ka jirtay deegaankiisa taasina ay ku reebtay xasuus iyo uur ku taallo ku khasabtay in tuuladii uu ka soo jeeday dib ugu laabato kana hir geliyo isbitaal, masaajid iyo iskuul ay ka faa’iideystaan dadka deegaanka ku nool.

Wallow cayaaryahankani yahay xiddig can ka ah dunida hanti bandanna leh haddana waxaa lagu tilmaamaa mid dhaqan ahaan aad u dabacsan, naxariis badan taasoo la sheego in uu uga egyahay aabihii dhalay.

Mane ayaa aad looga qaddariyaa tuulada uu ka soo jeedo isaga oo dhaxal u reebay jiilaalka dambe ee deegaankaas haddii ay ahaan lahayd goob caafimaad, iskuul iyo masaajid ay ku cibaadeystaan intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here