Tababare Pep Guardiola oo ka tagaya Man City

0
53

Baladweyne(Radio Beerlula)- Sida warbixinnadu ay tilmaamayaan hoggaamiye Pep Guardiola ayaa isaga dhaqaaqi doona kooxda uu hoggaamiyo haatan ee Manchester City, waxaana shaaca laga qaaday magaca naadiga uu ku sii jeedo.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa inteeda badan warinaysa in hoggaamiyaha reer Spain ee Pep Guardiola uu qarka u saaran yahay inuu isaga tago kooxda Manchester City oo labo xilli ciyaareed laga ganaaxay tartammada Yurub, isla markaana uu ku sii jeedo dalka Talyaaniga si uu ugu biiro Juventus.

Dhinaca kale macallinkii hore ee xulka qaranka England, Sam Allardyce ayaa shaaca ka qaaday in tababaraha Man City ee Pep Guardiola uu isaguba doonayo inuu u dhaqaaqo horyaalka Serie A gaar ahaan kooxda Juventus xilli ciyaareedka soo socda.

Haatan macallin Pep waxaa heshiiskiisa garoonka Etihad kaga harsan hal sano, mustaqbalkiisa Manchester ayuuna shaki weyn soo galay kaddib markii Man City laga ganaaxay tartammada Yurub labo xilli ciyaareed.

Macallinka reer Spain ayaa had iyo jeer ka dhigaya tartanka mid muhiim ah, iyadoo haatan la isla dhexmarayo inuu soo jeedinayo qudhiisu inuu u dhaqaaqo kooxda reer Talyaani ee Juve oo ay aad ugu badan tahay, halkii uu dib ugu laaban lahaa Barcelona ama uu u dhaqaaqi lahaa dhinaca PSG.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here