Gool-hayihii hore ee Manchester United Harry Gregg oo geeriyooday

0
57

Baladweyne(Radio Beerlula)- Gool-hayihii hore ee kooxda Manchester United Harry Gregg ee ka badbaaday musiibadii duullimaad ee Munich 1958 ayaaa ku geeriyooday da’da 87.

Gregg oo kaliya Manchester la joogay laba bilood waqtiga uu shilkaasi diyaaradeed dhacayey ayaa markaas wixi kadambeeyey lagu neenaasay “Geesiga Munich”

Geerida halyeygan ayaa waxaa ku dhawaaqay hay’adda isaga loogu magac daray ee Harry Gregg Foundation.

“Waa murugo weyn in aan sheegno geerida halyeygii hore ee Manchester United iyo waqooyiga Ireland” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Harry Gregg.

“Harry wuxuu si nabad ah uga soo baxay Isbitaal ay qoyskiisa muddo la joogeen” ayaa la sii raaciyay bayaanka.

Twitterka Manchester United ayaa lagu soo qoray “Waa murugo xanuun badan geerida Harry Gregg, waxa uu ahaa halyeey aan wax ka baranay”

Musiibada uu ka badbaaday Gregg ayaa dhacday 1958-dii kaddib markii diyaarad ay lasocdeen isaga iyo saaxiibadii uu kala tirsanaa Busby Babes ay la dhacday diyaarad ay la socdeen , waxana ku geeriyootay musiibadaas 23 qof oo ay ku jireen 7 kamid ah saaxiibadii iyo siddeed weriye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here