Arsenal Iska Xaadirisay Wareega Sideed Dhamaadka FA Cup

0
25

Baladweyne(Radio Beerlula)- Arsenal ayaa si sahlan ugu gudubtay wareega sideed dhamaadka FA Cup ka dib markii ay 2-0 uga adkaadeen kooxda heerka seddexaad ee Portsmouth.

Tababare Mikel Arteta ayaa u dhawaanaya inuu kor u qaado koobka FA Cup isagoo kabtan u ahaa Arsenal haatana tababare u ah Gunners.

Kooxda Portsmouth oo marti loo ahaa oo ku jirta kaalinta 3aad ee horyaalka League One ayaa kubada inteeda badan heysatay qeybtii hore laakiin waa ay awoodi waayeen inay ka faa’ideystaan fursadahooda.

Tababare Arteta oo koobka FA Cup qaaday isagoo ah kabtanka Arsenal sannadkii 2014 ayaa arkay dhaawac xun oo qeybtii hore soo gaaray Lucas Torriera ka hor inta uusan Sokratis hogaanka u dhiibin Gunners wax yar ka hor waqtigii nashada ka dib karoos ka yimid Reiss Nelson.

Eddie Nketiah ayaa dhaliyay goolkii labaad qeybtii labaad ee ciyaarta waxaana mar kale caawiye ka ahaa Nelson iyadoo Gunners ay sii nooleysay riyadeeda inay koob qaado xilli ciyaareedkii ugu horeysay ee tababare Arteta uu maamulo kooxda.

Arsenal ayaa ah kooxdii ugu horeysay ee iska xaadirisa wareega sideed dhamaadka FA Cup iyadoo kulamada ee wareega 16ka la ciyaari doono maalmaha Talaado , Arbacada iyo Khamiista.

Kulamada Caawa la ciyaari dooono isla tartankaan.

Chelsea vs Liverpool.

Reading vs Sheffield United.

West Brom vs Newcastle United.

Kulamada Arbacada.

Leicester City vs Birmingham City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here