Hordhac: Arsenal vs. West Ham

0
25

Baladweyne (Radio Beerlula)-Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates maanta ku martigelin doonta West Ham United, waxaanay labada kooxood u dagaallamayaan inay helaan dhibco uu midi doonayo inuu sare ugu ruqaansado kaalmaha sare ee loogu gudbayo tartamada Yurub sida Champions League iyo Europa League iyo midka kale oo ka halgamaya sidii aanu dib ugu noqon lahayn heerka hoose ee casaanka.

Gunners oo shan dhibcood ka hoosaysa Manchester United oo kaalinta shanaad fadhida, waxay soo yarayn kartaa farqiga dhibcaha laga horreeyo, haddii ay guul heshana waxa uu damac ka geli karaa inay boos ku yeelato Europa League amaba Champions League maadaama Chelsea oo afraad fadhidaa ay ka sarrayso siddeed dhibcood, ayna suurtogal tahay inay halkaas ku gaadho tobanka ciyaarood ee hadhay.

Laakiin West Ham ayaa waxay hal gool oo kaliya kaga baxsan tahay kaalinta 17aad ee gunta hoose ee Premier League, waxaanay kaabiga u saaran yihiin inay ka mid noqdaan kooxaha casaanka ku jira oo ay dhowaan kasoo dallacday, khasaare kasoo gaadha kulanka maantana, waxa uu kooxda David Moyes u sababi karaa inay gasho halis ah inay ka dhacdo horyaalka oo sannadka dambe ay ka dheesho Championship-ka.

Mikel Arteta ayay taageereyaasha Arsenal gacmo furan kusoo dhoweeyeen markii uu dib ugu soo laabtay isaga oo tababare ah kooxdii uu muddada shanta sannadood ah ee u dhexeeyey 2011 illaa 2016 uu u ciyaari jiray, waxaanay filashada jamaahiirtu ahayd in duruustii uu kasoo bartay Pep Guardiola uu ka dhigi doono Emirates, isla markaana uu tubta guusha kusoo celin doono, iyadoo uu ilowsiinayo waqtiyadii adkaa ee Unai Emery iyo Frankie Ljungberg, balse rajadaas caqabado badan ayaa ka hor yimid illaa laga soo gaadhayay sannadkan cusub ee 2020.

Kulamada horyaalka Premier League, kooxda ka dhisan woqooyiga London marna lagama badinin, sidoo kalena shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada waxay soo guuleysteen afar ka mid ah, iyadoo ay ugu dambaysay guushii 2-0 ahayd ee Portsmouth ay ka gaadheen, taas oo ay iskaga xaadiriyeen wareegga 8-da ee FA Cup, balse waxa madax-xanuun ay kala baxeen Europa League oo naadiga reer Giriig ee Olympiacos ay si niyad-jab leh uga reebeen.

Si kastaba, saamaynta uu Arteta ku yeeshay naadiga, waxay ka muuqataa bandhig ciyaareedkooda, iyo sida uu xiddigaha da’da yar ee ay kamidka yihiin Gabriel Martinelli, Bukayo Saka, Joe Willoc iyo Eddie Nketiah uga dhigay laacibiin u diyaarsan inay guul u dagaallamaan, halka difaacana uu xoogaa horumar ah ka sameeyey, isla markaana lix ciyaarood oo dhamaan tartamada ah shabaqa oo nadiif ah ay garoonka ka baxeen. Labada ciyaartoy ee Mustafi iyo David Luiz ayaa abuuray isfaham iyo wada-shaqayn ka sarraysa sidii hore, bandhiggoodii usbuucyadii u dambeeyeyna waxay ku kasbadeen ammaan badan.

Marka la eego natiijooyinka lixdii kulan ee ugu dambeeyey ee Premier League ay ka keeneen Arsenal iyo West, waxa Gunners ay kasoo badbaadday dhamaantood in laga adkaado, laakiin dhibaatadu waxay tahay in afar ciyaarood oo isku xiga ay barbarro soo galeen, ka hor intii aanay labadii kulan ee ugu dambeeyey guuleysanin, waxaanay waqtigaas soo urursadeen toban dhibcood. Taas beddelkeeda, West Ham waxa laga badiyey afar jeer, hal barbarro ay galeen iyo mid guul ah.

Xogta Kulanka:

Ciyaarta: Arsenal vs West Ham United

Tartanka: Premier League, kulamada 29aad

Waqtiga: 6:00 PM – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Emirates

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here