Hordhac: Liverpool vs Bournemouth

0
20

Baladweyne (Radio Beerlula)-Saddex guul-darro oo afar ciyaarood gudahood soo gaadhay kaddib, Liverpool waxay maanta qaabilsayaa Bournemouth oo ugu imanaysa Anfield, waxaanay nafta u huri doontaa sidii ay jidka guusha ugu soo laaban lahayd, isla markaana niyadda ugu dhisi lahayd jamaahiirta ka hor ciyaarta muhiimka ah ee Atletico Madrid ay isla garoonkooda ku qaabbili doonaan Salaasada.

Kooxda tababare Klopp oo afar guulood oo kali ahi ka xigaan inay hantaan horyaalka Premier League oo muddo 30 sannadood ah ay ka qatanaayeen, waxa guulahoodii xidhiidhka ahaa toddobaadkan horraantiisii soo afjartay Watford oo si xun u garaacday, waxaana ugu xigtay Chelsea oo ku gumaadday Stamford Bridge kana reebtay FA Cup.

Kulanka maanta ay iskaga hor imanayaan Bournemouth waxa uu Reds u leeyahay muhiimad gaar ah oo ciyaaryahannadu ay ku heli karayaan kalsooni ay kala hor tagaan Atletico Madrid oo lugtii hore ee Wanda Metropolitano kaga soo adkaatay 1-0, haddii ay guul-darro kale soo xaraystaanna waxay jamaahiirtu niyadda sii gashan doonaan in aanay haysanin xiddigihii sida layaabka leh rikoodhada usoo samaynayay fasal ciyaareedkan oo dhan.

Dhawr meelood ayaa saluug laga muujiyey bandhiggii Liverpool ee kulankii Watford iyo midkii xigay ee Chelsea, waxaana wiiqnaan badan laga dareemayay khadka difaaca iyo afka hore oo tamar la’aan u ekaaday iyadoo dhexdana laga tabay laacibka reer England ee Jordan Henderson oo dhamaan kulamada laga badiyey ka maqnaa, marka laga reebo ciyaartii Atletico Madrid oo uu ka baxay iydoo socota.

Virgil van Dijk iyo Joe Gomez oo si adag usoo wada-shaqeeyey inta badan xili ciyaareedkan, waxa kala tuuray dhaawac soo gaadhay daafaca reer England oo safka Klopp uu kaga maqnaa ciyaartii Watford, waxaana saddexda ciyaarood ee ugu dambeeyey loo diiwaangeliyey hab-difaacoodii ugu xumaa tan iyo August 2016, markaas oo ay ugu dambaysay in saddex kulan oo xidhiidh ah laga dhaliyo laba gool iyo ka badan.

Dhinaca kale, Bournemouth oo ku jirta casaanka, waxay wax walba u samayn doontaa maanta sidii ay u heli lahayd saddex dhibcood oo ay sare ugu soo kacdo ilaa kaalinta 15aad ee miiska kala-sarraynta Premier League, waxaana heerka ay ku jirtaa uu sababayaa dagaal aanay waxba la hadhin oo dhibcaha kaga ridan karaan kooxda Klopp.

Marka la eego natiijooyinka lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ay Liverpool iyo Bournemouth ka keeneen kulamada Premier League, Reds waxay soo heshay shan guulood iyo khasaarihii Watford kasoo gaadhay, laakiin Bourenmouth ayaa kaliya laba guulood soo xoogsatay, waxaana u raacay saddex guul-darro iyo mid barbarro ah.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Liverpool vs Bournemouth

Tartanka: Premier League, kulamada 29aad

Waqtiga: 3:30 PM – Saacadda Geesk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here