Arsenal oo guul dirqi ah kaga gaartay garoonkeeda Emirates kooxda Ham United

0
41

Baladweyne(Radio Beerlula)- Arsenal ayaa guul dirqi ah kaga gaartay garoonkeeda Emirates kooxda Ham United, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada 29-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Arsenal iyo West Ham United.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 78-aad kooxda martida loo ahaa ee Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Alexandre Lacazette, waxaana goolkan ka caawiyay Mesut Ozil.

Ugu dambeyntii dheesha ayaa ku soo dhamaatay 1-0 ay kaga adkaatay Arsenal kooxda West Ham United oo marti ugu aheyd garoonka Emirates.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here