Hordhac: Real Betis vs Real Madrid

0
51

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kaddib guushii weynayd ee ay ka gaadhay Barcelona, Real Madrid waxay u tegaysaa Real Betis caawa iyadoo og inay u baahan yihiin guul si ay ugu soo laabtaan hoggaanka oo xalay ay Barca si ku-meelgaadh ah ugala sii wareegtay.

Kooxda Zidane oo bandhig fiican muujisay kulankii ugu dambeeyey oo ay kaga soo kabatay laba khasaare oo isku xigay oo ay kala kulantay Manchester City iyo Levante, waxay ciyaartoygeedu kalsoonida dib ugu helaan farxaddii Clasico iyo bandhiggii ay ku kasbadeen in Barcelona ay muddo dheer kaddib kaga adkaadaan garoonka Santiago Bernabeu, laakiin Zidane waxa horyaalla caawa imtixaan ah inuu meel iska saaro Betis oo kaalinta 14aad ku jirta, sial amrkaana 30 dhibcood kasoo urursatay 26-kii kulan ee ay soo ciyaartay horyaalka.

Toddoba ciyaarood oo kaliya ayay Real Betis soo guuleysatay xili ciyaareedkan socda, inta kalena waxay ahaayeen barbarro iyo guul-darrooyin loo xambaarinayey iyadoo lixdii kulan ee ugu dambeeyey aanay wax guul ah soo helin, waxaana kooxihii ku istaagay ka mid ahaa Barcelona iyo Valencia oo isla garoonkoodan kaga badiyey.

Tani waxay sababaysaa inay nafta u huraan ciyaarta ay ku martigelinayaan Real Madrid oo dhibaatooyin dhinaca weerarka ah soo dhex-dabbaalatay xili ciyaareedkan, isla markaana 56 dhibcood kasoo urursatay 26 kulan oo ay dheeshay.

Real Madrid waxay ciyaartani uga dhigan tahay kulan xilli muhiim ah ugu soo aaday, kaas oo saddexdiisa dhibcood ay ka caawin doonaan inay ku laabtaan hoggaanka oo ay hal dhibic ka sare maraan Barcelona, sidoo kalena ay helaan kalsooni ay kaga daba iman karaan Manchester City oo lugtii hore 2-1 ku garaacday, usbuuca dambena ay ku ballansan yihiin Etihad Stadium.

Marka la eego natiijooyinka lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka ay ka keeneen labada kooxood, Real Bets wax guul ah may soo helin, waxaana kaliya usoo hoyatay saddex dhibcood oo ugu yimid saddex barbarro ah iyadoo laga badiyey saddexda kalena. Laakiin Real Madrid ayaa afar kulan oo guulo ah, mid barbarro ah iyo ciyaar laga badiyey ay ahaayeen rikoodhka lixdii kulan ee ugu dambeeyey LaLiga.

Xogta kulanka.

Ciyaarta: Real Betis vs Real Madrid.

Tartanka: LaLiga, kulamada 27aad.

Waqtiga: 11:00 PM – Saacadda Geeska Afrika.

Garoonka: Benito Villamarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here