Horudhac: Chelsea vs Everton

0
43

Baladweyne( Radio Beerlula)-Kooxda Chelsea ayaa kulan xiiso badan oo ka tirsan horyaalka Premier League la ciyaareysa naadiga Everton, iyadoo maanka ku haysa inay kal ciyaareedkan ku dhammaysato booska afarta sare.

Inkastoo Toffees ay fadhiso haatan kaalinta 12-aad, haddana macallin Carlo Ancelotti ayaa dib ugu soo laabana garoonka Stamford Bridge, isagoo doonaya in wiilashiisu ay saddexda dhibcood ku soo qaataan Galbeedka Magaalada London.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Axad, 08 Mar 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 05:00 Galabnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Stamford Bridge

Garsooraha: Kevin Friend (England)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here