Liverpool oo guul soo laabasho ah garoonkeeda Anfield kaga adkaatay kooxda Bournemouth

0
48

Baladweyne(Radio Beerlula)- Liverpool ayaa guul soo laabasho ah garoonkeeda Anfield kaga adkaatay kooxda Bournemouth, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada 29-aad ee horyaalka Premier League

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Liverpool.

Daqiiqadii 9-aad kooxda Bournemouth ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Callum Wilson, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Jefferson Lerma.

Laakiin daqiiqadii 25-aad Liverpool ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca, kaddib markii uu Mohamed Salah dheesha ka dhigay 1-1, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Sadio Mane.

Daqiiqadii 33-aad Liverpool ayaa markeeda hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 2-1 ka dhigay Sadio Mane, waxaana ka caawiyay goolkan daafaca reer Holland ee Virgil Van Dijk.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii dheesha ayaa ku soo dhamaatay 2-1 ay kaga adkaatay Liverpool kooxda Bournemouth oo marti ugu aheyd garoonka Anfield.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here