Man United oo guul muhiim ah kaga gaartay Man City

0
45

Baladweyne (Radio Beerlula)-Manchester United ayaa guul muhiim ah kaga gaartay garoonkeeda Old Trafford kooxda Manchester City kulankii adkaa ee Manchester derby, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada 29-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala maray 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester United.

Daqiiqadii 30-aad kooxda Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay weeraryahanka reer France ee Anthony Martial, waxaana goolkan ka caawiyay Bruno Fernandes.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 90-aad kooxda Manchester United ayaa dhalisay gool labaad, waxaana 2-0 ciyaarta ka dhigay Scott McTominay.

Laakiin ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-0 oo ay kaga adkaatay Manchester United kooxda ay daris wadaaga yihiin ee Manchester City oo marti ugu aheyd garoonka Old Trafford,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here