Maurizio Sarri: Juventus waa in ay siisaa haddiyad u qalanta Cristiano Ronaldo

0
54

Baladweyne(Radio Beerlula)- Maurizio Sarri ayaa ku boorriyay Juventus in ay hadiyad u qalanta ay siiyaan Cristiano Ronaldo marka ay wajahayaan kooxda Inter Milan kulan ka tirsan Serie A-da.

Kooxda hoggaanka u heyso Serie A-da ayaa Allianz istaadiyom oo ay albaabadiisu ka xiran yihiin taageerayaasha ku marti gelin doonta Inter Milan, iyadoo sidoo kale dhammaan kulmada laga cayaarayo talyaaniga ay noqon doonaan kuwo aysan soo xaadiri doonin taagerayaasha cabsi laga qabo Karona feyras.

Ronaldo ayaa saftay kulankiisii 1000-aad ee dhammaan tartamada bishii hore kulankii ay 2-1 uga badiyeen SPAL isagoona dhaliyay goolka furitaanka.

“isagu waa ciyaaryahan firfircoon, mana loo baahna fikir fara badan” ayuu yiri Sarri.

Ciyaaryahanka shanta jeer ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ayaa haatan ku soo laabtay tababarka.

“Tani waa guul weyn, waaana in uu sii wadi doona yoolalkiisa cusub, saxiibadiis waxaan u soo jeedinayaa in ay siiyaan haddiyad u qalanta Cristiano” ayuu sii raaciyay Maurizio Sarri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here