Juventus oo dib ugu soo laabatay hoggaanka Serie

0
57

Baladweyne (Radio Beerlula)-Juventus ayaa dib ugu soo laabatay hoggaanka horyaalka Serie A, kaddib markii ay kulankii Derby d’Italia ku garaacday kooxda Inter Milan 2-0, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada 26-aad ee horyaalka Talyaaniga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray kulankii adkaa ee Derby d’Italia bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 55-aad kooxda martida loo ahaa ee Juventus ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay dheesha Aaron Ramsey, iyadoo caawinta goolkan loo qoray Cristiano Ronaldo.

Laakiin daqiiqadii 67-aad Juventus ayaa dhalisay gool labaad, waxaana ciyaarta 2-0 ka dhigay xiddiga reer Argantina ee Paulo Dybala kaasoo badel ku soo galay, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay Aaron Ramsey.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 2-0 ay kaga adkaatay kooxda Juventus naadiga Inter Milan oo marti ugu aheyd garoonka Allianz, Marwada duqda ayaana markale la wareegtay hoggaaminta horyaalka Talyaaniga.

SAWIRRO:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here