Hordhac: RB Leipzig vs. Tottenham

0
49

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa u safartay waddanka Germany oo ay caawa marti ugu noqon doonto RB Leipzing oo ay isku haleeli doonaan lugta labaad ee wareegga 16-ka Champions League.

Tottenham ayaa kulankii hore ee magaalada London lagu karbaashay 1-0, waxaanu ahaa gool rikoodhe ah oo uu dhaliyey Timo Werner, hase yeeshee Spurs waxa kulankaas ay ahayd mid baaba’san oo iyadoo minankeeda joogta laga awood badnaa.

Kooxda reer Germany oo wacdaro layaab leh ka dhigaysa Champions league iyo horyaalka Bundesliga, cidina kuma tilmaamin inay ka mid noqonayso kooxaha loo saadaalinayo, hase yeeshee bandhiggooda cajiibka ah iyo in lixdii kulan ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada aan dhinacooda dhulka lasoo dhigin, waxay ka dhigaysaa naadi awood badan oo wax kasta laga filan karayo inkasta oo Sabtidii ay kooxda Wolfsburg ku qabatay Germany.

25 ciyaarood oo Bundesliga ah oo xili ciyaareedkan ay dheeshay, RB Leipzing waxay kasoo heshay 50 dhibcood, waxaaay shan dhibcood ka hoosaysaa Bayern Munich oo hoggaanka haysa.

Marxaladdii Group-yada, waxay kooxda reer Germany kaga soo baxday kaalinta koowaad, iyadoo lix dhibcood oo nadiif ah ka horreysay naadigii labaadka kusoo baxay, 13-kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Champions League na waxay soo badiyeen lix ka mid ah.

Tababare Julian Nagelsmann oo ay da’diisu tahay 33 jir, isla markaana ciyaaryahannada qaarkood ka weyn yihiin da’ ahaan, waxa samaystay koox cajiib ah, waxaana figta sare keentay taatikadiisa layaabka leh iyo sida uu iskugu dabba-riday kooxdan, waxaana mararka qaarkood dadka indho sarcaad ku noqota sida uu isbeddelka ugu sameeyo ciyaarta oo socota.

Weeraryhanka Werner oo dhaliyey goolka kaliya ee garoonka Tottenham Horspur Stadium kasoo dhashay lugtii hore, ayaa ah 24 jir si weyn loola xidhiidhinayo Liverpool, waxaanu mar kale caawa hoggaamin doonaa safka weerarka ee naadigan oo xili ciyaareedkan uu u dhaliyey 27 gool dhamaan tartamada.

Dhinaca kale, Tottenham ayaan wax guul ah helin dhamaan shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey, waxaana laga soo adkaaday afar ka mid ah shantaas ciyaarood.

Tababare Jose Mourinho ayaa dhibic kaliya oo uu ka helay kulankii Burnley waxay noqotay xummad jabin iyo badbaado in loo diiwaangeliyo shan ciyaarood oo xidhiidh ah oo khasaare ah, waxaana tababaraha reer Portugal kaliya uu fursad uu ku tartamo u haystaa Champions League maadaama laga soo reebay FA Cup oo kooxda yar ee Norwich ay rikoodheyaal kusoo karbaashtay, halka Premier League ay kaalinta siddeedaad kaga jiraan oo xattaa rajada ay ugu soo bixi karayaan Europa League iyo Champions League ay gabaabsi sii noqonayso.

Marxaladdii hormooyinka, Liverpool waxay meel kasoo wada baxeen Bayern Munich, laakiin labadii kulan ee kooxda reer Germany ay la ciyaareenba waa laga soo adkaaday, waxaanay nasiib ku yeesheen kooxihii yaryaraa ee kale oo ay ka adkaadeen.

Kooxdan oo xili ciyaareedkii hore gaadhay finalka Champions League, meelaha dhexena kusoo garaacday Borussia Dortmund, Manchester City iyo Ajax ka hor intii aanay Liverpool koobka kaga qaaday Wanda Metropolitano, waxay waddanka Germany u safartay 14 jeer taariikhdeeda, waxaana laga soo badiyey toddoba mar halka iyaguna ay shan jeer guulo soo heleen, labada kalena barbarro.

Marka la eego natiijooyinka lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ay RB Leipzing iyo Tottenham ka keeneen Champions League, kooxda reer Germany waxay soo guuleysatay saddex kulan, laba barbarro ah iyo mid laga badiyey, laakiin kooxda Mourinho ayay is le’eg yihiin khasaaraha iyo farxaddu, waxaanay guuleysteen saddex jeer, saddexna waa laga badiyey.

Xogta kulanka

Ciyaarta: RB Leipzing vs Tottenham

Tartanka: Champions League, lugta labaad ee wareegga 16-ka

Waqtiga: 11:00PPM – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Red Bull Arena Leipzig

Garsooraha: Carlos del Cerro (Spain)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here